Wadahadallada DF iyo Somaliland oo maalintii saddexaad galay

0
913

WadahadaladaSomaliland20140117_2Wasiirka amniga qaranka ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ka warbixiyay halka ay marayaan wadahadallada u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland oo maalintii saddexaad ka soconaya magaalada Istanbul ee dalka Turkey.

Wasiirka oo u warramay BBC ayaa sheegay in ay meel wanaagsan marayaan wadahadallada, iyada oo ajandaha shirka ee maanta uu yahay qiimayn lagu samaynayo heshiisyadii horay loo gaaray waxyaabihii ka hirgalay iyo in Road-map loo sameeyo wadahadallada.

Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa tilmaamay in is af garashada labada dhinac ay u baahan tahay waqti dheer iyo fadhiyo badan oo laga sameeyo qodobbada ka hadlaya mustaqbalka labada dhinac.

Wasiirka ayaa xusay in mar walba ay dowladda Soomaaliya u samaynayso tanaasul waxyaabaha aan dhaawacayn midnimada dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Maamulka Somaliland ayaa iyaguna ku adkaysanaya in ay Soomaaliya wax la qeybsanayaan, balse uu lama taabtaan yahay goonni isu taagga uu ku dhawaaqay 20 sano ka hor.

Bar-kulan