Wadahadalladi Dowladda F. S. Iyo Maamulka Soomaaliland Uga Socday Dalka Turkiga Oo La Filayo In Maanta La Soo Gebagebeeyo

0
1017

WadahadaladaSomaliland20140117_1Wadahadaladii Turkiga uga socday dowladda Federalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ayaa lagu wadaa in maanta laga soo saaro warmurtioyeed ku aadan qodobadii lagu heshisyay.

Jawiga goobta uu shirka uga socdo wafuuda ka kala socota dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ayaa laga dareemaya isbedello xooggan iyo rajooyin la xiriira isku soo dhawaansho xagga aragtida ah.

Warfidiyeenada ka kala socda warbaahinnada caalamka oo sheedda kala socoda wadaxaajoodyadaasi ayaa dibad joog ka ah kulamdaasi, waxaana la filayaa in maanta gelinka damnbe la soo saaro warmurtiyeed ku qotoma natiijooyinkii ka soo baxay kulankaasi.

Macadda ilaa iyo haatan wax yaabaha la isla meel dhigay balse ilo wareedyo ayaa muujinaya in heer geba gebo ah ay marayaan wadaxaakjoodyadaasi, waxaana inta la ogayahay xogaha la helayo qodobada ka mid ah in meel la iska dhigo wixii dhacay islamarkaan laga dhabeeyo ka shaqeynta midnimada ummadda Soomaaliyeed.

Dowlada Turkiga oo garwadeen ka ah shirarkaasi iyo bulshada caalamka ayaa dhagaha u taagaya waxyaabaha ka soo bixidoona wadahadaladaasi.

Sacadda Geeska Afrika marka ay thay 1-da duhurnimo ama Todoba saac ayaa la filayaa in si wada jir ah saxaafadda loogu soo bandhigo natiijooyinka shirkaasi.

Guulaha ay gaartay dowlada federaalka ah ee Soomaaliya oo uu caalamku aqoonsanyahay ayaa waxaa ka mid ah in muddo Labaatan sano kadib ay bilowdeen dadaallo ku aadan wadaxaajood lala galo maamulka Somalialand.

Radio Muqdisho