Wadahadalladii u dhaxeeyay dowladda Federaalka iyo maamulka Somaliland oo goor dhow ka furmay Turkiga

0
1103

SomaliaAndSomaliland20130710Wadahadalladan u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ayaa maanta ka furmay magaalada Stanbul ee dalka Turkiga, halkaasoo ay xalay iyo Shalay siyaabo kala duwan u gaareen wufuud ka kala socota labada dhinac oo horay dhowr jeer ugu kulmay dalkaasi islana meel dhigay in lasii wado Wadahadallada u dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamulka Somaliland.

Shirkan oo ah wejigii saddexaad ayaa socon doona mudo 3 maalmood ah, iyadoo Wafdiga kasocda dowladda Soomaaliya uu horkacayo siihayaha Wasiirka arrimaha Gudaha iyo amniga qaranka C/kariim Xuseen Guuleed halka maamulka Somaliland wafdiga kasocda uu hogaaminayo Wasiirka arrimaha Dibedda ee Maamulkaasi Maxamed Yoonis Biixi

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka C/kariim Xuseen Guuleed oo Lahadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in furitaanka shirka ee maanta ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin katirsan dowladda Turkiga, kaddibna la isku afgartay in la sameeyo gudiyo farsamo oo muddada sadexda maalmood ah fududeyn doona sii socoshada wadahadalladan,

C/kariim Xuseen Guuleed ayaa sidoo kale sheegay in wadahadalladan ay noqon doonaan kuwo miro dhal ah, maadaama qodobo badan ay horay iskula meel dhigeen labada dhinac kuwaasoo sababay in la iskaga soo dhawaado halkii la kala taagnaa,

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa xooga saartay sidii ay iskaashi dhow iyo xiriir Wada-shaqeyneed ula yeelan laheyd maamulada gobollada dalka si loo gaaro Qaranimo buuxda loona soo celiyo kala danbeynta iyo amniga waddanka.

 

Radio Muqdisho