Wasiirka amniga qaranka ee xukuumadda Soomaaliya Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa rajo ka muujiyay wadahadallada u dhaxeeya dowladda federaalka ah iyo maamulka Somaliland ee ka socda magaalada Istanbul ee dalka Turkey.
Cabdikariin Xuseen Guuleed wuxuu hoggaaminayaa wafdiga dowladda Soomaaliya uga qeyb galaya wadahadallada.
Wuxuu sheegay in qorshaha shirka uu ka mid yahay road-map in loo sameeyo wadahadallada si ay u sii socdaan qodobbada laga doodayo.
Wasiirka ayaa sheegay inay u taagan yihiin midnimada Soomaaliya.
Dhinaca kale, wasiirka arrimaha dibadda ee maamulka Somaliland Maxamed Yoonis Biixi ayaa tilmaamay inuu maamulkoodu diyaar u yahay wax wada qabsi.
Labada dhinac waxay horay u kulmeen labo jeer.
Bar-kulan