Wafdi ka socda dowladda federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha ee xilka ka degaya, Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa maanta oo Arbaco ah u ambabaxay dalka Turkiga si ay uga qeyb-galaan wada-hadallada u dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.
War qoraal ah oo lagu soo qoray bogga safaaradda Turkiga ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay inay wada-hadallada ka furmi doonaan magaalada Istanbul berri oo Khamiis ah, ayna socon doonaan ilaa maalinta Sabtida ah.
Wafdi ka socda maamulka Somaliland ayaa isna lagu wadaa inuu isla maanta gaaro dalka Turkiga.
Xildhibaan Cabdisamad Macallin Maxamuud oo horey u soo noqday wasiirkii hore ee arrimaha gudaha ee dowladdii KMG ahayd ayaa ka mid ah xubnaha wafdiga dowladda federaalka uga qeyb-galaya wada-hadallada, wuxuuna Bar-kulan u sheegay inay ku rajo weyn yihiin in natiijo fiican ay ka soo bixi doonto wada-hadallada.
Wasiiru dowlaha arrimaha gudaha, xildhibaanno iyo xubno aan ka mid ahayn dowladda federaalka ayaa ka mid ah wafdiga dowladda federaalka Soomaaliya.
Dhowr jeer oo hore ayay labada dhinac qaateen wada-hadallo ku saabsan sidii ay isugu soo dhowaan lahaayeen labada dhinac.
Maamulka Somaliland ayaa ku dhawaaqay inuu ka go’ay qeybaha kala ee dalka sanadkii 1991 kaddib markii ay burburtay dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Maxamed Siyaad Barre.
Bar-kulan