Wasiir ku xigeenkii labaad oo ka tirsan dowlada oo ku dhowaaqay in uu is casilay

0
969

XasanSheekhOoFureyVillaHargeysa20140109_8Shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho C/kaafi Macallin Xasan oo loo magacaabay xalay wasiir ku xigeenka tamarta iyo biyaha ayaa ku dhowaaqay in uusan dooneyn xilkaas loo magacaabay.

C/kaafi Macallin Xasan ayaa sheegay in kadib markii uu la tashaday xildhibaanada iyo odayaasha beeshiisa uu go’aansaday inuusan aqbalin xilkaas, isagoo sheegay inaysan u qaadmin beeshiisa.

Wuxuu sheegay C/kaafi in beeshiisu sanadkaan ka sugeysay dowladda Soomaaliya iney ka hesho wax uu ku tilmaamay xaq ay ku laheyd sidaas darteedna xilka la siiyey uusan u dhigmin wixii ay ay sugayeen.

Waa wasiirki ku xigeenkii 2-aad ee maanta ku dhawaaqay inuusan qaadaneyn xilka loo magacaabay, waxaana saaka sidan oo kale xilkii loo magacaabay sheegay in uusan qaadanayn gudoomiyaha gobolka Banaadir Maxamud Axmed Nuur “Tarsan” oo loo magacaabay wasiirka ku xigeenka ciyaaraha & dhalinyarada.

Illaa iyo haatan ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Ra’iisal wasaaraha oo ku saabsan is casilaada labada wasiir ku xigeen. Hase yeeshee waxaa la rajaynayaa in dhowaan si degdeg ah loo horgeeyo golaha wasiirada baarlamaanka oo fasixiisa galaya dhowaan.

Jowhar