Wasiirkii Amniga Puntland oo beeniyay in Hub lagala baxay Madaxtooyada Garowe

0
1706

Garowe20130619Sii Hayaha xilka Wasiirka Amniga ee Puntland Khaliif Ciise Mudan ayaa beeniyay in hub lagala baxay Madaxtooyada Garowe, kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in ciidamo daacad u ahaa Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Faroole ay Hub kala baxeen Madaxtooyada Garowe iyo Boosaaso.

Khaliif Ciise Mudan ayaa sheegay in aanay warkaas waxba ka jirin, hase ahaatee waxaa uu tilmaamay in qorshahooda yahay sidii ay ammaanka deegaanada Puntland u xaqiijin lahaayeen.

“Warkaas waa waxba kama jiraan, wax hub ah oo lagala baxay midna ma jirto Madaxtooyada Garowe iyo tan Boosaaso”ayuu yiri Khaliif Ciise Mudan oo ahaa wasiirkii Amniga ee Maamulkii Faroole.

Madaxweynaha cusub ee Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas oo aan wali xilka si rasmi loogu wareejin ayaa ugu baaqay hey’adaha ammaanka Puntland inay ilaaliyaan hantida dowladda iyo mida dadweynaha, isagoo tilmaamay in lala xisaabtami doono, mas’uul walba oo hanti u haya.

Ergeyga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Amb. Nicholas Kay ayaa ka digay in qal qal la geliyo ammaanka Puntland, isagoo dhanka kale cadeeyay in Qaramada Midoobey iyo Beesha Caalamka ay taageersan yihiin doorashadii Puntland ka dhacday.

Puntland ayaa waxaa wali ka jira xaalad kala guur ah, iyadoo horay u soo baxayeen baaqyo lagu dalbanayay in la xakameeyo ammaanka oo aan laga faa’ideysan xiliga kala.

Jowhar