Ururka caalamiga ah ee Bad-mareennada ayaa sheegay in weerarrada burcad badeedda Soomaalida ay gaareen heerkii ugu hooseeyay muddo 6 sano ah.
Wuxuu sheegay ururku in sanadkii la soo dhaafay la diiwaangeliyay 264 kiis oo burcad badeednimo la xiriira, kuwaas oo 15 ka tirsan ay ka dhaceen Soomaaliya.
Shakhsiyaad badan oo Soomaali ah oo loo haysto falal burcad badeednimo ayaa ku xiran dhowr dal oo caalamka ah.
Sanadihii la soo dhaafay waxaa la xoojiyay howlgalka caalamiga ah ee lagu dagaallamayo kooxaha burcad badeedda ah ee maraakiibta ku afduubta badda Soomaaliya iyo biyaha ku xeeran.
Bar-kulan