Madaxweynaha maamulka Ximan iyo Xeeb, Cabdullaahi Cali Maxamed (Baarleex) ayaa maanta shaaca ka qaaday inuu maamulkiisa xiriirka u jaray dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.
Madaxweynaha oo la hadlay Bar-kulan ayaa sheegay in kaddib wadatashiyo dhexmaray mas’uuliyiinta maamulka la isku afgartay in gabi ahaanba la gooyo xiriirkii kala dhexeeyay dowladda dhexe.
Wuxuu arrintaas ku sababeeyay in madaxda dowladda dhexe ay ka dhaga-adeygeen ilaalinta xuquuqdii ay ku lahaayeen dadka ku nool deegaannada maamulka Ximan iyo Xeeb.
Baarleex ayaa xusay in ay diyaar u yihiin in ay la shaqeeyaan dowladda federaalka ah haddii la saxayo dhaliilaha jira, si loo adkeeyo midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.
Bar-Kulan