Adeegii Mobile Internet ee Shirkadaha Isgaarsiinta oo maalintii 3aad hawada ka maqan

0
922

internetAdeegii Mobile Internet-ka ee shirkadaha Isgaarsiinta ayaa maalintii saddexaad hawada ka maqan, iyadoo Khamiistii la soo dhaafay ay aheyd markii Shirkada Isgaarsiinta Hormuud oo bixineysay adeegaas ay jartay.

Tallaabada Shirkada Hormuud u joojisay adeegan Mobile Internet iyo 3G ayaa ka dambeysay markii cadaadis xoogan ay kala kulantay Al-Shabaab oo todobaad ka hor jaray qadadkii Isgaarsiinta deegaano ka tirsan Jubooyinka.

Shirkada Isgaarsiinta Hormuud ayaa kaliya jartay adeega internet-ka ee deegaanada Al-Shabaab maamulaan, kadib markii Al-Shabaab horay ugu qabatay shirkadaha Isgaarsiinta dalka inay ku joojiyaan muddo 15-maalmood adeega Mobile Internet iyo Fibre Optic.

Dhalinyarada oo isticmaali jiray adeega Mobile Internet ayaa saameyn ku yeelatay joojinta adeegaas ee Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya, iyadoo dhalinyarada lagu tilmaamo kuwo ugu badan ee isticmaali jiray Taleefanka Internet-ka, iyagoo ku wada xiriiri jiray baraha bulshada sida Facebook, Twitter, WhatsApp iyo adeegyo kale.

Joojinta Adeega Taleefanada Internet-ka ayaa keentay in goobaha Internet Coffee magaalada Muqdisho ay noqdaan kuwo saxmad ah, isla markaana uu sare u kacay halkii saac ee Internet-ka, waxaana uu gaaray $1 (Hal Doolar).

Dowladda Soomaaliya ayaa horay uga digtay Shirkadaha Isgaarsiinta inay qaataan amarka Al-Shabaab, hadii ay u hogaansamaan ay tallaabo ka qaadi doonto, iyadoo la sugayo go’aanka dowladda soo saarto, maadaama uu si rasmi u dhaqan galay amarkii Al-Shabaab.

Inkastoo Al-Shabaab ay ka talayaan deegaano badan oo ku yaala Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya, hadana magaalooyinka muhiimka waxaa gacanta ku heysa dowladda Soomaaliya oo taageero ka heleysa Ciidamada AMISOM.

Shirkada Isgaarsiinta Hormuud ayaa wali wax war ah ka soo saarin joojinta Adeega Mobile Internet iyo 3G oo aad looga isticmaali jiray magaalada Muqdisho iyo deegaanada kale ee gobolada dalka.

Jowhar