Waxaa xalay Degmadda Xuddur ee xarunta Gobalka Bakool faarujiyey Kooxda Al-shabaab kadib markii ay ka war heleen in Ciidamadda DFS iyo kuwa Ethiopia ee dhawaan kamid noqdey Howlgalka AMISOM.
Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in xalay ay Al-shabaab isaga baxeen degmadaasi islamarkaana ay duleedka Degmadaasi ka sameysteen difaacyo.
Ciidamadda Ethiopia iyo kuwa DFS ayaa waxaa ay dhaqdhaqaayo xoogan ka wadaan Degmadda Ceelbarde ee Gaboolka Bakool kuwaao la sheegey in ay ku soo wajahanyihiin Degmada Xuddur ee Xarunta u ah Gobalkaasi.
Wakaaladda Wararka K24 oo xiriir la sameystey dadka deegaanka Degmadda Xuddur ayaa waxaa ay sheegen in Magaaladu ay ka muuqato xaalad colaadeed isla markaana ay iyagu cabsi dareemayaan.
Warkii