Al-Shabaab oo lagu weeraray Jubbada hoose

0
828

AlshabaabCiidamada dowladda Soomaaliya ee Jubbooyinka oo ay taageerayaan ciidamada AMISOM ayaa weerar ku qaaday saldhig ay Al-Shabaab ku lahayd deegaanka Hagar oo 50 km waqooyi uga beegan degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose.

War-saxaafadeed ay AMISOM soo saartay ayaa lagu sheegay in howlgalka oo shalay dhacay lagu dilay toddobo ka tirsanayd maleeshiyada Al-Shabaab, iyadoo ay ciidamadu soo furteen qalab isugu jira rasaas, gaadiid iyo agab isgaarsiinta loo isticmaalo.

Wakiilka gaarka ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, danjire Mahamat Saleh Annadif ayaa sheegay in howlgalka uu qeyb ka yahay dib u soo cusbooneysiinta dedaalada Al-Shabaab looga saarayo deegaanadda ay weli haysato.

Danjire Annadif wuxuu xusay in ay AMISOM sii wadi doonto ka hortagga cadowga nabadda iyo taageerida shacabka Soomaaliyeed.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay inay AMISOM iyo ciidamada dowladda howlgal wadajir ah uga saareen Al-Shabaab deegaanka Gendershe oo isku xira magaalooyinka Muqdisho iyo Marka oo xarun u ah gobolka Shabeellaha hoose.

Bar-kulan