Al-Shabaab oo sheegatay dilkii Sarkaalkii ugu sareeyay dhinaca amaanka Maamulka Juba

0
881

TargetingAssasinationAl-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada dilkii xalay magaalada Kismaayo loogu geystay Taliyihii Nabadsugida Maamulka KMG ah ee Juba Ciise Kaambooni, iyadoo xaalad kacsanaan ah ay ka jirto magaalada, kadib howl gal dad lagu dilay oo ka dhacay.

Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa sheegay in dilka Sarkaalkii ugu sareeyay dhinaca ammaanka Maamulka KMG ah ee Kimsaayo uu ahaa howlgal gaar ah oo ay ka soo shaqeeyaan, waxaana wararku sheegayaan inuu dilay mid ka mid ah Ilaaladiisa oo ay isku heyb ahaayeen, kaasoo horay uga soo goostay Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in labo kale oo ka mid ahaa ilaaladiisa lala dilay, kadib markii rasaas lagu furay, xilli ay sii galayeen ilinka hore ee gurigiisa.

Ciise Kaambooni ayaa meydkiisa xalay la geeyay Xarunta Madaxtooyada Kismaayo, waxaana maanta lagu wadaa in la aaso.

Ninkan ayaa doorar muuqda ka soo qaatay dagaalada jabhadeynta, waxaana uu ahaa nin aad ugu dhowaa Axmed Madoobe, waxaa uu ahaa abaanduulihii Mucaskarkii Raaskambooni ee mar dambe ka mid noqday Ururkii Xisbul Islaam.

Sidoo kale waxaa uu ka mid ahaa ciidankii hayay mid ka mid ah saraakiishii Faransiiska ee Muqdisho lagu afduubtay bartamihii sanadkii 2009-kii, balse mar dambe la sii daayay.

Ciise Kaambooni ayaa sanadkii 2010 dhamaadkeeda waxaa lagu qabtay magaalada Nairobi, waxaana gacanta ku dhigay Sirdoonada Kenya iyo Faransiiska, iyadoo loo gudbiyay dalka Jabuuti oo sanadkii 2012 laga soo daayay dadaal ay sameeyeen kadib Axmed Madoobe iyo rag kale oo ka tirsanaa dowladda Soomaaliya.

Waxaa uu ka mid ahaa saraakiishii laga soo saaray Kismaayo, kadib dagaal ay Al-Shabaab la galeen ciidankii uu hogaaminayay Axmed Madoobe ee galay gudaha Kenya, halkaasoo dib ay kaga soo jabhadeeyeen.

Dilkiisa ayaa waxaa uu dhabar jab ku noqonayaa Maamulka KMG ah ee Juba, oo uu hogaamiyo Axmed Madoobe, isagoo markii loo magacaabay xilka Taliyaha Nabadsugida Kismaayo dhamaadkii sanadkii hore uu wax badan ka qabtay ammaanka Kismaayo.

Jowhar