Xarakada Al-Shabaab ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan Gobolka Galgaduud inay u diyaar garoobaan dagaal ka dhan ah Ciidamada Itoobiya ee dhowaan ku biiray howl galka AMISOM, kuwaasoo qorsheynaya inay weerar ku qaadaan deegaanada ay maamulaan Al-Shabaab.
Ciidamada Itoobiya ayaa maalmihii u dambeeyay dhaq dhaqaaqyo ciidan oo xoog leh ka bilaabay deegaanada gobolada koofureed, iyadoo dhaq dhaqaaqan uu ahaa guluf xoogan oo ku wajahnaa deegaanada ay ku sugan yihiin Shabaab.
Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud ee Al-Shabaab Sheekh Xasan Yacquub ayaa ugu baaqay shacabka gobolkaas inay ku garab siiyaan la dagaalanka Ciidamada Itoobiya ee gudaha u soo galay qeybo ka mid ah Galgaduud.
“Waxaa nagala rabaa inaan u diyaar garowo dagal ka dhan ah cadawga soo jireeka ah ee gudaha dalkeena soo galay, Galgaduud meesha ay ka soo bilaabato ilaa halka ay ku dhamaato waxa la idinka rabaa taageeradiina inaad muujisaan”ayuu yiri Sheekh Xasan Yacquub.
Ciidamada Itoobiya ayaa ku sugan magaalada Guriceel iyo Dhuusa Mareeb oo ay todobaadkii hore soo galeen, waxaana halkaas ay ka wadaan dhaq dhaqaaq ku wajahan degmooyinka Ceelbuur, Ceel Garas iyo Ceel Dheer.
Al-Shabaab ayaa dhaq dhaqaaqyo ciidan ka wada deegaanada ay maamulaan ee Koofurta Soomaaliya, halkaasoo laga soo sheegayo inay ka jiraan xiisado, waxaana abaabulkooda uu ku wajahan yahay sidii dadka deegaanka ugala qeyb qaadan lahaayeen duulaanka lagu soo hayo.
Jowhar