Al-Shabaab oo xirtay maamulaha Hormuud ee Jilib iyo 15 ka mid ah shaqaalaha shirkadda

0
927

AlshabaabBaraawa2Kooxda Al-Shabaab ayaa xirtay maamulaha shirkadda isgaarsiinta Hormuud ee degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, Maxamuud Xaaji Salaad iyo 15 ka mid ah shaqaalaha shirkadda.

Sarkaal ka tirsan shirkadda isgaarsiinta Hormuud oo codsaday inaan la xusin magaciisa ayaa u sheegay Bar-kulan in xarigga shaqaalahooda uu yimid kaddib markii shirkadda Hormuud ay ku gacan-seyrtay bixinta lacag dhan $50,000 oo kooxda Al-Shabaab ay dalbatay in la siiyo.

Shaqaalaha ayaa xalay oo Sabti ahayd laga soo qab-qabtay guryahooda. Qaar kale oo ka tirsan shaqaalaha shirkadda ayaa ka badbaaday in la xiro kaddib markii ay ka carareen guryahooda ka hor inta aan tegin guryahooda.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale jartay khadka isgaarsiinta ee shirkadda Hormuud ee gobollada Jubbada Dhexe iyo Jubbada Hoose. Maalintii labaad, wax isgaarsiin ah kama jirto gobollada Jubbooyinka.

Magaalada Jilib ee xarunta gobolka Jubbada Dhexe waxaa yaalla hab-dhiska shirkadda Hormuud ee isku xira Muqdisho iyo gobollada Jubbooyinka, sidaas darteed tallaabadan ayaa saameyn ku yeelatay guud ahaan labada gobol.

Bar-kulan