Allaha U Naxariistee C/risaaq Xaaji Xuseen Waxa Uu Ahaa Halyeey Geesi Waddani Ah Oo Ka Baxay Ummadda Soomaaliyeed

0
875

AbdirasaqHagiHusseinAllaha U naxariistee, Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Marxuum C/risaaq Xaaji Xuseen, waxa uu ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla magaalada Maniples ee dalka Mareykanka, halkaas oo uu in muddo ah ku xanuunsanayey, waxa uu u geeriyooday xanuunka sanbabada ah.

Waxa uu jiray 90, sanno, Ra’iisul wasaare C/risaaq Xaaji Xuseen, sannadihii dambe maalmihii dambena xanuunka uu u geeriyooday ayaa laga dabiiibiyey, Sida uu sheegay C/qafaar Xaaji Xuseen oo ay walaalo yihiin.

Waxa uu ku dhashay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug Sannadkii 1920-kii.

C/risaaq Xaaji Xuseen Ra’iisul wasaarihii Soomaaliya ayaa Ra’iisul wasaare ka soo noqday dalka sannadihii u dhaxeeyey 1964, ilaa 1967, waxaa lagu xanuunstaa in uu ahaa raggii dadaalka u soo galay gobonnimadii Soomaaliya.

Waxa uu xubin ka soo noqday Ururkii gobonnimad doonkii SYL, mar ayuuna ururkaasi hoggaamiye ka soo ahaa, waqtigii uu Ra’iisul wasaaraha ahaa waxaa lagu garanayey shaqsi geesi ah oo si cad u bartilmaameedsada shaqadiisa.

Waxaa uu soo saaray intii uu Soomaaliya Ra’iisul wasaaraha ahaa, Kalmada Karti iyo Hufnaan oo ahaa Kalmado uu isaga curiyey dadkana ku baraarujiya,

Allaha U naxariistee , Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya C/risaaq Xaaji Xuseen ayaa la sheegaya in xanuunka uu hadda u geeriyooday uu yahay dhaawac ay magaalada Baydhaba ku gaarsiyeen ciidammada Taliyaaniga oo ahaa gumeystihii waqtigaasi ee Soomaaliya, sida ay qabaan dadka sida aadka ah ugu dhuun daloola taariikhiisa.

Markii uu ka degayey 1967-dii C/risaaq, ayaa la sheegay in uusan aheyn shaqsi ay ku soo baxaan calaamado wax isdabamarin ah ama lunsashada hantida qaranaka.

Mar uu ka hadlayey Xaaladda Siyaasadeed ee Soomaaliya sannadkii tagey 2013-ka ayuu sheegay C/risaaq Xaaji Xuseen in dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay guulo gaartay laakin, weli aysan dowladdu qaadin wadadii saxda aheyd.

Isaga oo ka hadlayey Nidaamka Federaalka ee Soomaaliya, ayuu Mowqafkiisa ku caddeeyey in uu ka soo horjeedo arrinkaasi oo uu u arkay in mid Qabiil.

Ra’iisul wasaarihii hore ee ka geeriyooday dalka Mareykanka waxa uu Soomaaliya ku dhexleeyahay Taariikh ku saleysan wadaniyad, iyo waayo aragnimo, wuxuuna ahaa halyeey geesi wadani ah oo taariikh iyo sharaf weyn ku dhex lahaa ummadda Soomaaliyeed, Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun

Radio Muqdisho