Askari lagu dilay magaalada Kismaayo ee Jubadda Hoose

0
876

KismayoCityAskari ka mid ahaa ciidamada amniga ee maamulka KMG ah ee Jubba ayaa xalay lagu dilay xaafadda Guul-wade ee magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.

Lama oga cidda ka dambaysay dilka askariga iyo sababta loo dilay, balse waxaa jira howlgallo ay ilaa xalay ciidamadu ka samaynayeen xaafadda uu dilka ka dhacay.

Howlgallada ciidanka waxaa lagu soo qabtay dad badan sida uu ku soo warramayo weriyaha Bar-kulan ee magaalada Kismaayo.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka oo ku aaddan dilka askariga.

Habeen ka hor ayaa nin ganacsade ahaa lagu dilay Kismaayo, iyadoo lagu dhaawacay qof rayid ah oo ka og dhowaa halka lagu dilay ganacsadaha.

Bar-kulan