Axmed Madoobe oo taageeray Maamulka saddexda Gobol ee lagu dhisayo Baydhabo

0
944

AxmedMadoobe20130911_1Hogaamiyaha Maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Madoobe ayaa taageeray Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ee qorshihiisa yahay in saddex gobol lagu dhiso, iyadoo shir kale oo lagu dhisayo lix gobol uu ka socdo magaalada Baydhabo.

Shirarkan iska soo horjeeda ee ka socda magaalada Baydhabo ayaa dhaliyay jahwareer siyaasadeed iyo si qab qab xoogan oo ka dhex bilowday, siyaasiyiin, xildhibaano iyo bulshada ka soo jeeda deegaanada qorshuhu yahay in maamul goboleedka iska soo horjeeda looga dhawaaqo.

Axmed Madoobe ayaa sheegay inuu taageersan yahay maamul goboleedka saddexda gobol, isagoo hambalyo u diray ergada shirka uga socda Baydhabo ee shalay ansixiyay dastuurka.

“Waxaan rabaa inaan bogaadiyo walaalaheena Baydhabo fadhiya ee dhisaya Maamulka saddexda Gobal ee shalay Dastuurka ansixiyay waxaan leeyahay Hambalyo”ayuu yiri Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in hadii gobolada dalka la dhiso maamul goboleedyo ay suura geli doonto in nidaamka federaalka uu hirgelo, isla markaana ay Soomaali isu imaaneyso Sida uu yiri

Inkastoo Axmed Madoobe uu taageeray shirka maamul u sameynta saddexda gobol, hadana waxaa bar bar socda shir kale oo ka horeeyay, kaasoo maamul loogu sameynayo lix gobol oo ka mid ah Gobolada Jubada Hoose, Jubada Dhexe, Gedo, Bay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose, waxaana hadii maamulkaas lagu dhawaaqo uu caqabad ku noqon karaa Maamulka Jubba ee Axmed Madoobe madaxda u yahay, waana sababta looga dhinac furay shirka kale ee lagu dhisayo saddexda gobol ee Bay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose.

Si kastaba ha ahaatee shirarkan iska soo horjeeda ee ka socda Baydhabo ayaa qorshihiisa gabo gabo ku dhow yahay, waxaana labada shir oo ah mid is bar bar socda uu keeni karaa in jahwareer siyaasadeed uu geliyo gobolada la doonayo in maamulada loo dhiso.

Jowhar