Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa saakay howl galo baaritaano guri guri ka wada xaafadaha magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose, iyadoo howl galadan ay qeyb ka yihiin kuwo amniga lagu sugayo.
Sida ay sheegayaan wararka ciidamada oo wada jir ah ayaa guri walba baaritaan ku sameynayay, inkastoo ilaa iyo hada aanay jirin wax ay ku soo qabteen.
Gudoomiyaha degmada Marka Maxamed Cusmaan Yariisow ayaa sheegay in howl galada ujeedkooda yahay in lagu xaqiijiyo ammaanka.
“Howl galada baaritaanada waa socdaan, xaafadaha ayaa gur guri loo baarayaa, ciidamada AMISOM iyo ciidanka dowladda ayaa iska kaashanaya, waxaa uu ku wajahan yahay ammaanka degmada in la sugo”ayuu yiri Gudoomiyaha degmada.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in ciidamo isku dhaf ah oo ay ugu magac-dareen libaaxyada ay habeen iyo maalin ay howl galo ka sameeyaan degmada, isagoo xusay in ammaanka degmada uu yahay mid wanaagsan.
Lama oga waxa uu howl galkan ka bedelayo degmada Marka oo maalmihii u dambeeyay laga soo sheegayay falal amni dari oo mararka qaar dhacayay.
Jowhar