Beesha Biimaal oo Oday Dhaqameed Ka Dishay Beesha Murusade iyo Xiisad Ka Taagan KM 50

0
1484

TargetingAssasinationWararka ka imaanaya deegaanka No 50 ayaa sheegaya in halka galabta ay ka taagan xisad dagaal oo u dhaxeysa labo beeleed oo halkaa wada dega.

Xiisada ayaa ka dambeysay kadib markii habeen ka hor lagu dilay Deegaanka No 50 ee Gobolka Shabellaha Hoose Nabadoon Abuukar Dirir oo ahaa Nabadoon caan ka ahaa deegaankaas.

Dilkaas ayaa waxaa geestay Ciidamo 3 askari ah oo Ka Tirsan dowladda oo ka soo jeeda Beesha Biimaal oo maalmahaan kacsan, waxaana ay ku dileen nabadoon Abuukar Beer Weyn oo uu kulahaa Duleedka No 50.

Ciidamada dilka geestay ayaa Beerta ka qaatay agab uu kamid ahaa qoray Ak47 ah oo beerta nabadoonku ku ilaalsan jiray, waxaana sidoo kale ciidamadu ay wateen sedex qoray oo AK47 ah.

Odayaasha Beesha Murusade ayaa sheegay in aysan ka hari doonin sedexdii askari ee dilka u geeystay nabadoonka, waxaana ay shegeen in maamulka Deegaanka No 50 oo arrintaan ay kala hadleen in jawaab ahaan ay kaga heleen in qorigii nabadoonka laga dishay oo kaliya in ay soo celiyaan.

Ciidamo badan oo Beesha Murusade ka socda ayaa gelin kii dambe ee manta Buux dhaafiyay Duleedka Deegaanka No 50, kuwasi oo ka carooday balan qaad uu sameeyay Gudoomiyaha Deegaanka KM 50 oo ahaa in uu soo qabano ragii dilka ka dambeeyay manta lixsaac balse uusan fulin.

Dadka deegaanka ayaa ka cabsi qaba in dilal kale oo aar ah ay dhacaan ama dagaal uu dhexmaro labada beel oo hada isku hub aruursanaya.

Warkii