Burcad badeed sheegtey in ay Shuruud la’aan ku siideynayaan Laheystayaal u dhashey Dalka Tailand

0
841

SomaliPirates20131031Kooxaha burcad badeeda Soomaalida ayaa sii daayay laheystayaal u dhashay dalka Thailand, kuwaasi oo ay heysteen muddo ka badan seddex sano, sida ay sheegayaan wararka la helayo.

La heystayaasha ayaa qeyb ka ahaa shaqaale saarnaa markab lagu magacaabo MV Albedo oo calanka Malaysia la dulbabanayay, kaasi oo kooxaha burcad badeeda ay afduubteen bishii November sanadkii 2010.

Markabka ayaa la shegay in sanadkii lasoo dhaafay uu quusay badda, iyadoo shaqaalahana ay gacanta ku hayeen kooxaha burcad badeeda Soomaalida, iyadoo la shaaciyay iminka inay iska sii daayeen.

Mid kamid ah burcad badeeda Soomaalida oo magaciisa ku sheegay Cabdi Xasan ayaa sheegay inay sii daaynayaan la heystayaasha iyagoo aan ka qaadin wax madax furasho ah, laakiin ay dib faahfaahin dheeri ah ka bixin doonaan.

“Waxaan si dhaqso ah u deynaynaa iyaga, waxayna dib ula midoobi karaan qoysaskooda, intaan inka badan noloshooda ma xanaaneyn karno”sidaasi ayuu yiri mid kamid ah burcad badeeda.

Dowlada Thailand ayaa kasoo horjeesatay marsii horeysay inay wadahal la gasho kooxaha burcad badeeda si loo daayo dadkaasi, halka milkiilaha markabka uu doonayay in la ciribtiro kooxdaasi.

Qoysaska dadka la heystayaasha ah ayaa sanadkii lasoo dhaafay labo jeer soo qoray war furan oo ku aadaneyd kooxaha burcad badeeda Soomaalida oo ay kaga dalbanayeen inay usoo daayeen caruurtooda iyadoo aan sharuud lagu xirin.

Warkii