Cadaado oo yeelatay guddoomiye cusub

0
989

CadaadoCabdullaahi Cabdiraxmaan Xuseen ayaa noqday guddoomiyaha cusub ee degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Wuxuu ku guuleystay doorasho uu qabtay maamulka Ximan Xeeb oo ay ku tartameen asaga iyo musharrax kale oo lagu magacaabo Maxamed Maxamuud Wardheere.

Guddoomiyaha cusub ayaa helay codadka 16 qof oo ka mid ah 19 qof oo dooranaysay guddoomiyaha cusub. Musharraxa laga guuleystay ayaa helay saddex cod.

Madaxweynaha maamulka Ximan iyo Xeeb Cabdullaahi Cali Maxamed (Baarleex) ayaa goob-joog ahaa doorashada xilka guddoomiyaha degmada Cadaado, wuxuuna u hambalyeeyay guddoomiyaha cusub.

Cabdullaahi Cabdiraxmaan ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay xilka loo doortay, wuxuuna ballanqaaday inuu ka shaqeyn doono horumarinta degmada.

Bar-kulan