Ciidamada Dowlada Somalia ayaa xalay waxa ay howlgalo lagu xaqiijinayo amaanka ay ka sameeyeen Degmada wadajir ee gobalka Banaadir.
Ciidamadaan, ayaa xoog ku galay guryo ku yaala agagaaraha Siligii Ameerikaanka, dhinaca soo xigga Degmada Wadajir, waxayna rag kala soo baxeen guryihii ay gudaha u galeen.
Hawlgalka Xalay gudaha loogu galay guryaha ku yaala Degmada Wadajir, ayaa ahaa mid qorsheysan, waxayna Ciidamadu ahaayeen kuwo si taxadar leh u fulinaye.
Saraakiisha Dowladda weli kama aysan hadlin hawlgalka, ay Ciidamada Nabad Suggida, Birmadka & Booliska ay ka fuliyeen Degmada Wadajir.
Warkii