Ciidamada Itoobiya oo la wareegay deegaano ku dhow dhow degmada Xudur

0
833

EthiopianArmy20140122Ciidamada Itoobiya ee ka mid noqday howl galka AMISOM ayaa maanta la wareegay deegaano u dhaxeeya degmooyinka Ceelbarde iyo Xudur ee Gobolka Bakool, sida uu xaqiijiyay Gudoomiyaha degmada Xudur Maxamed Macalin Cali.

Sida ay sheegayaan wararka Ciidamada Itoobiya ayaa isku fidiyay inta u dhaxeysa Ceelbarde iyo Xudur, waxaana ay ka wadaan deegaanada qaar dhaq dhaqaaqyo ciidan oo aad u xoogan.

Gudoomiyaha degmada Xudur Maxamed Macalin ayaa sheegay in ciidamada ay ku sii siqayaan deegaano hor leh, sida Xudur, Rabdheere iyo Waajid, halkaasoo uu sheegay inay isaga baxeen Shabaab.

“Ciidamada waxay ku sii siqayaan deegaano hor leh, kooxihii nabad diidka ahaa, iyagoo naf la caari ah ayay isaga baxayaan deegaanada ay ku sugan yihiin”ayuu yiri Maxamed Macalin.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in ujeedkooda in dhamaan Gobolka Bakool maalmaha soo socda ka xoreeyaan Al-Shabaab, waxaana uu intaa ku daray in awooda Shabaab ay daciiftay.

Dhinaca kale Ciidamada Itoobiya ayaa deegaano ka tirsan Gobolka Baay ka wada dhaq dhaqaaqyo, waxaana la sheegay in saacadihii u dambeeyay boqolaal ciidan ay ka ruuqaansadeen degmada Bardaale.

Tan iyo markii ciidamada Itoobiya ay si rasmi uga mid noqdeen howl galka AMISOM waxaa sii xoogeynsaya dhaq dhaqaaqyada ciidan ee ay waday Koofurta Soomaaliya, iyadoo soo gelisay kumanaan askari.

 

Jowhar