Ciidamada AMISOM iyo Gudiga heerka qaran ee qaban qaabinaya aaska Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa u diiday inay galaan Ciidamada gaarka ah ee la socday Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.
Wariyeyaal ku sugan garoonka ayaa soo sheegaya in Ciidamada gaarka ah ee la socday Madaxweynaha Puntland ee shalay diyaarada kala soo degay iyagoo hubeysan ayaa lagu amray inay banaanka hore ee garoonka joogaan, inta ay socotana hab maamuuska aaska aanay wax hub ah gudaha garoonka lala gelin karin.
Ciidamadan gaarka ah ayaa gaarayay ilaa 7-askari oo dareys gaar ah ku labisnaa iyo qoryaha fudud, waxaana gudiga heerka qaran ee aaska Ra’iisul Wasaarihii hore ay ku wargeliyeen in aanay gudaha garoonka soo gelin.
Garoonka diyaaradaha ayaa kaliya waxaa loo ogolaaday Ciidamada AMISOM iyo ilaalada gaarka ah ee Madaxweynaha, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’iisul Wasaaraha, halka Madaxda maamulada kale ee uu ka yimid yahay Madaxweynaha Puntland loo ogolaaday inay la socdaan xubno paratakoolo.
Hab maamuuska loo agaasimay aaska ayaa ahaa mid si aad ah uga soo shaqeeyeen Gudiga heerka qaran ee loo saaray, waxaana Madaxweynaha oo ay dhinacyada ka taagnaayeen Gudoomiyaha Baarlamaanka, Ra’iisul Wasaaraha oo ku xigay Madaxweynaha Puntland iyo madaxda kale ay aheyd mid loo hagay hab Baratakool ku dhisan oo sida madaxda u kala horeysa ay garoonka si wada jir ah ugu sugnaayeen marka la soo dejinayay naxashkii lagu siday meydka Ra’iisul Wasaarihii hore Marxuum C/risaaq Xaaji Xuseen.
Shalay ayay aheyd markii Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas diyaaradii waday ay kala soo degaan ciidamo hubeysan, iyadoo arrintan ay noqotay layaab, xilli magaalada Mudisho ay ku sugan yihiin ciidamo AMISOM oo ka qeyb qaata sugida ammaanka wafuuda caalamiga iyo madaxda dowladda.
Dadka qaar ee Muqdisho ku nool ayaa layaab ku noqotay in C/wali Gaas oo shalay markii uu Ra’iisul wasaaraha ahaa ammaankiisa ay sugi jireen Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda in maanta markii uu Muqdisho u yimid aaska Ra’iisul Wasaarihii hore uu ciidamo gaar ah u kala soo dego garoonka diyaaradaha, waliba si u muuqatay inay gardaadinayaan ilaaladii la socotay ee ammaankiisa sugayay.
Jowhar