Ciidamo ka tirsan AMISOM oo gaaray Guriceel

0
912

Amison20130729_1Ciidamo ka socdo AMISOM ayaa xalay gaaray deegaanno ka tirsan gobolka Galgaduud, sida uu Bar-kulan u xaqiijiyay maamulka Ahlu Sunna ee gobollada dhexe ee dalka.

Guddoomiyaha saddexda gole ee Ahlu Sunnada gobollada dhexe Sheekh Ibraahim Sheekh Xasan Guureeye oo u warramay Bar-kulan ayaa sheegay in ciidamadu ay haatan joogaan degmada Guriceel ee gobolka.

Waxa uu sheegay in Ahlu Sunna kulamo la yeelan doonto ciidamada, ka hor howlgallo uu sheegay in ay ka fulin doonaan gobolka.

AMISOM ayaa sheegtay in ay ballaarinayso howlgallada lagula dagaallamayo Al-Shabaab ee looga saarayo goobaha ay kaga sugan tahay dalka.