Ciidamo kumaandoos ah oo tababar ku qaatay Muqdisho

0
1060

CiidanCommandosDusiga tababarka ciidanka ee Jaziira ayaa tababar loogu soo xiray cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan ciidamada kumaandooska loo yaqaanno.

Xiritaanka tababarka ayaa waxaa ka qeyb-galay wasiirka gaashaandhigga ee xukuumadda Soomaaliya Gen. Maxamed Sheekh Xaamud, taliyaha ciidanka xoogga dalka Gen. Daahir Aadam Cilmi (Indho Qarshe) iyo saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Gen. Daahir Aadam Cilmi ayaa sheegay in ciidamada uu tababarku u dhammaaday ay ka kala keeneen gobollo ka tirsan dalka, isaga oo tilmaamay in ay doonayaan in ay soo celiyaan awooddii iyo tababarkii ay lahaan jireen ciidamada kumaandooska.

Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya Gen. Maxamed Sheekh Xaamud oo soo xiray tababarka ayaa sheegay in ay awoodda saarayaan sidii ay ciidamadu u heli lahaayeen xuquuqda ay ku leeyihiin dowladda.
Tababarka ayaa socday muddo lix bilood ah.

Bar-kulan