Dagaal Culus oo dhexmaray Ciidamada Itoobiya iyo Al Shabaab

0
1252

AlshabaabBaraawa2Dagaal khasaaro Culus geystay ayaa Ciidamada Itoobiya ee AMISOM iyo kuwa Ururka Al Shabaab waxuu ku dhexmaray Degmada Baladxaawo ee Gobolka Gado.

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii Kolonyo ay wateen Ciidamada Itoobiya oo marayay Degaan lagu magacaabo Tuulo-barwaaqo oo 18 Km u jirta Magaalaad Garbahaarey ay jidka u galeen Dagaal yahano ka tirsan Ururka Al Shabaab.

Weerarkan dhaba galka ah ayaa waxaa la sheegay in uu khasaaro dhimasho iyo dhaawac u geystay Ciidmada Itoobiya iyo kuwa Ururka Al Shabaab oo halkaasi Dagaal Culus ku dhexmaray.

Dadka Degaanka ayaa sheegay in ay Dagaalka uu socday mudo saacad ka badan waxaan intaasi ay ku dareen in Ciidamada Itoobiyaan ahaa ay gaareen Degaanka Buur-gaduud oo 12 Km u jirta Magaalada Garbahaarey ee Gobolka Gedo.

Ugu dambeyn Wararka laga halayo Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Caawa Ciidamo badan oo ka tirsan kuwa Itoobiya ee AMISOM ay ku sugan yihiin Degaanka Buurgaduud halkaasi oo ay ka wadaan Daaal ka dhan ah Ururka Al Shabaab.

Warkii