Dagaal u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo Al-Shabaab oo saaka ka qarxay Buuraha Galgala

0
958

BuurahaGalagalaDagaal u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo Al-Shabaab ayaa saakay ka qarxay Buuraha Galgala ee Gobolka Bari, iyadoo dagaalkan uu daba socdo dagaal todobaadkii hore ciidamada Puntland kula wareegeen fariisimo ay ku sugnaayeen Xoogag ka tirsan Shabaab.

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo magaalada Boosaaso, dagaalka ka dhacay Buuraha Galgala ayaa bilowday saakay aroortii, iyadoo warar kala duwan ay ka soo baxayaan cida qaaday dagaalka.

Ciidamada Puntland ayaa maalmihii u dambeeyay ku sugnaa gudaha Buuraha Galgala, oo ay ka sameysteen saldhigyo, waxaana halkaas ka socday dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ay wadeen.

Horaantii todobaadkii hore ayay ciidamada Puntland soo bandhigeen hub iyo waxyaabaha qarxa oo ay sheegeen inay ku qabteen dagaalkii ka dhacay Buuraha Galgala oo ay kula wareegeen fariisimaha ciidamada Puntlad.

Wasiirkii hore ee Amniga Puntland Khaliif Ciise Mudan ayaa horay u sheegay in weerarada iyo qaraxyada ka dhici jiray Boosaaso laga soo abaabulo Buuraha Galgala, isla markaana markii ciidamada ay la wareegeen aagaas ay yaraadeen weeraradii lagu soo qaadi jiray Boosaaso.

Xoogaga Al-Shabaab oo saldhigyo ku leh buurta Golis oo ah buur aad u dheer oo gasha ilaa Itoobiya ayaa waxaa weerarada ay ka soo qaadaan la beegsada fariisimaha iyo xarumaha Ciidamada Puntland ku leeyihiin Boosaaso iyo duleedkeeda.

Jowhar