Dagaal Xalay ka dhacay Degmada Mahadaay ee Shabeelaha Dhexe

0
922
Markacadeey.com

Markacadeey.comWararka ka imaanaya degmada Mahadaay ee Gobolka Sh/dhexe ayaa shegaya in xalay saqdii dhexe Xoogaga Al Shabaab ay weeraro ku soo qaadeen fariisimo Ciidamada dowladda ay ku lahaayeen degmada Mahadaay ee Gobolkaasi Shabeelaha dhexe.

Goob joogayaal ku sugan halka ay dirirtu ka dhacday ayaa Shabelle u sheegay in dagaalka uu socday muddo saacado ah islamarkaana dadku ay ku soo baraarugeen marqura daryanka Madaafiic aad u culus oo ay isku adeegsanayeen labada dhinac kuwaas oo geystay Khasaaro isugu jirta dhimasho iyo dhaawac taas oo soo kala gaartay labada dhinac ee dagaalamay iyo dadka Shacabka ah.

Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa haatan waxaa ku sugan Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda iyadoona ay xusid mudantahay in maalin kahor halkaasi ay ka bexeen ciidamadii AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda ee fariisimaha kulahaa degmadaasi.

Xaaladda ayaa Saaka ah Mid degan iyadoo uu caadi ku soo noqday dhaq dhaqaaqii Bulshada degan Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Shabelle