Dawlada Ingiriiska oo muwaadiniinteeda uga digtay inay usafraan Somaliya iyo deegaanada Somaliland

0
969

FlagUKWar kasoo baxay xafiiska xiirka arrimaha dibbadda dawlada Ingiriiska ayaa waxaa looga digay dadka wadankaasi u dhashay inay Soomaaliya safar ku yimaadaan kuwa joogana ay deg deg uga baxaan.

Warkaan oo lagu baahiyay warbaahinta Ingiriiska ayaa waxaa lagu sheegay in qatar amaan ay ka jirto Soomaaliya oo dhan isla markaana ay Shabab maleegeen weeraro bartilmaameedkoodu yahay dadka u dhashay dalka Ingiriiska ee Soomaaliya jooga.

Xafiiskaan warkiisa waxaa uu ku sheegay inay jirto halis ah in dadka Britishka ah ay la kulmi karaan dhibaatooyin ay ka mid yihiin dil ama afduub loo gaysto.

”Halista Soomaaliya oo dhan ayay ka jirtaa sida Soomaaliya, ama Somaliland marka waa in laga diftoonaadaa safaro aad ku tagtaan Soomaaliya oo dhan” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay xafiiska xiirka arrimaha dibbadda dawlada Ingiriiska.
Dawlada Britain waxay xustay in xogta ay hayaan ay sheegayso in Al-Shabab wadaan qorshe ay ku bartilmaameedkoodu yahay danaha reer galbeedka ee m/mulka Somaliland.

Ingiriisku waxaa uu sidoo kale ka digay weeraro Al-Qacida iyo Al-Shabab ku qaadaan maraakiibta dagaalka ee ku sugan biyaha badda cas ee qorshahoodu la dagaalanka burcad badeeda Soomaalida.

Dawladaha reer galbeedka ayaa dhawr jeer dadkooda uga digay Soomaaliya usoo safraan ayagoo ka cabsi qaba in la dhibaateeyo.

Warkii