Deegaanno Hiiraan ka tirsan oo Al Shabaab ay isaga huleeleen

0
1017

ciidamadaDowladaWararka ka imaanaya Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa ku soo warramaya in Ciidamo ka tirsan Al Shabaab ay isaga baxeen deegaanno Hoostaga Gobolka Hiiraan ee Bartamaha Soomaaliya.

Deegaanno Nuur Fanax , Garisyaani iyo Meelo kale ayey Al Shabaabku faarujiyeen sida dad deegaanka ah ay inoo xaqiijiyeen.

Ciidamada Al Shabaab ee ka baxay deegaanada aan kor ku soo xusnay ayaa lagu soo warramayaa in ay u jiheysteen Degmada Buulobarde ee Gobolka Hiiaran oo ka mid ah Degmooyinka Istiraatiijiga ah ee al Shabaab ay Maamulaan.

Si kastaba Deegaanada ay isaga Baxeen Al Shabaab ayaa sidoo kale waxaa Shabelle u xaqiijiyay Guddoomiye ku xigeenka dhinaca Siyaasadda ee Maamulka Gobolka Hiiraan Max’ed Ibraahim Cali.

Shabelle