Diyaaradaha Drone-ka oo duqeeyay Guriga uu deganyahay Afhayeenka Al-shabab

0
962

DroneAttachWararka naga soo gaaraya degmada Buulo Mareer ayaa sheegaya in diyaaradaha nooca aan duuliyaha lahayn ay duqeeyeen guri uu deganaa afhayeenka ururka Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere).

Sida ay sheegayaan ilo wareedyo aanu ka heleyno, diyaaradaha Darones-ka ayaa dhowr gantaal ku dhuftay guriga afhayeenka iyadoo inta badan dhismahaasi uu burburay.

Ilaa iyo iminka si rasmi ah looma oga qasaaraha ka dhashay duqeyntaasi, bacdamaa maleeshiyooyin ka tirsan ururka Al-Shabaab ay halkaasi soo gaareen, kuwaasi oo iyagu bilaabay howlgallo ay ku baacsanayaan qofkii hagayay diyaaradda.

Warar aan si buuxda loo shaacin ayaa sheegaya in duqeynta diyaaradeed ee lala beegsaday afhayeenka Al-Shabaab ay ku geeriyoodeen ku dhowaad ka tirsan dagaalyahanada Al-Shabaab oo ay ka mid ahaayeen saraakiil sarsare.

Dhinaca kale Guddoomiyaha maamulka gobolka Sh/hoose C/qaadir Maxmed Nuur Siidi ayaa Warbaahinta u sheegay in diyaarado aan duuliye lahayn ay duqeeyeen guriga Afhayeenka ururka Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage.

Wixii warar ah ee ku soo kordha dib ayaan idinkugu soo gudbin doonaa haddii Alle idmo.

Somaliweyn