Dowladda oo ciidamo dheeraad ah geysay degmada Huriwaa

0
1111

CiidamadaSomaaliya20130919_1Laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa ciidamo dheeraad ah u diray degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir kaddib markii guddoomiyaha degmada Cumar Cabdulle Jacfaan uu dhowaan ka digay inay degmada ka baxdo gacanta dowladda.

Isagoo saaka la hadlayay Bar-kulan, Jacfaan ayaa soo dhoweeyay tallaabada laamaha ammaanka ay ciidamo xoojin ah ugu soo direen degmada si loo adkeeyo ammaanka degmada.

Maleeshiyo badan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa falal amni darro iyo cabsi-gelin isugu jira ka geystay degmada.

Qaar ka mid ah dadka degmada ayaa sheegay in habeenkii Arbacada warqado digniin lagu daadiyay xaafado ka mid ah degmada, kuwaas oo dadka degmada ku amrayay inaanay subaxa xiga furi karin goobaha ganacsiga.

Al-Shabaab ayaa la rumeysan yahay inay ka dambeyso dhibaatooyinka lagu cabsi-gelinayo shacabka aan waxba galabsan.

Bar-kulan