Dowladda oo ku baaqday in la mideeyo shirarka kala duwan ee ka socda Baydhabo

0
1000

baydhabo2Waxaa Faah faahinno dheeraad ah uu ka soo baxayaa kulan Magaalada Baydhabo ay ku yeesheen Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Xubnaha ka qeyb galaya shirar ka socda Magaalada Baydhabo ee iyagu iska soo hor jeeda.

Wasiiirka ayaa gaarsiiyay dhinacyada isaga soo horjeedo Magaalada Baydhabo fariin uu uga siday Madaxda dalka isagoona ugu baaqay in la joojiyo Shirarkaasi iska soo horjeedo islamarkaana loo baahan yahay in hal meel ay ku midoobaan xubnaha ku kala qeybsan Maamul u sameynta Koofur Galbeed ee dalka.

Ugaas Xasan Cabdi Max’ed oo ka mid ah Waxgaradkii kulankaasi ka qeyb galay ayaa Shabelle u sheegay in Wasiirka uu ku war gelyay dhinacyada uu la kulmay in Madaxweynaha uu u soo dhiibay farriin ah in la joojiyo shirarkaasi inta laga xoreynayo deegaanada ka fara Maran dowladda ee uu Matali doono Maamulka halkaas lagu dhisayo kadibna hal gogol loo wada fidin doono.

Si kastaba Magaalada Baydhabo ayaa waxaa muddooyinkii dambe ka soconayay shirar is Khilaafsan oo looga arrinsanayo Maamul loo sameeyo Gobollada Koofur Galbeed dalka.

Shabelle