Xilli dhawaan war qoraal ah oo ka soo baxay dowladda Mareykanka lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku guul dareysatay Mudadii ay jirtay in ay wax ka qabato Xaaladda dalka.
Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Injineer C/raxmaan Cismaan Yariisow oo la hadlay Idaacadda BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga ayaa sheegay in arrinta ay ka dhawaajisay dowladda Mareykanka ay tahay mid aan loo baahneen islamarkaana dowladda Soomaaliya mudadii ay jirtay ay wax badan ka qabatay xaaladda dalka ayna soo celisay xiriirkii dalku uu lalahaa Beesha Caalamka.
Injineer Yariisow ayaa xusay in dowladd Soomaaliya ay qorsheyneyso in dalka ay gaarsiiso doorasho xor ah oo xalaal ah.
Dowladda Soomaaliya oo jirta Muddo Sanad iyo dhowr Bilood ah ayaa intii ay shaqeyneysay waxa ay soo celisay Xiriirkii Caalamiga ahaa ee dalka balse waxaa lagu dhaliilaa in ay ka gaabisay arrimaha gudaha oo Amnigu uu ugu horeeyo.
Shabelle