Dowladda Soomaaliya oo beenisay in warbixinta Gudiga daba galka cunaqabateynta hubka

0
866

GeneralIndhoQarsheWarbixin uu diyaariyay Gudiga Cunaqabateynta Hubka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya iyo Eritrea oo ay si horu dhac u heshay Wakaalada Wararka ee Reuters ayaa ku eedeysay dowladda Soomaaliya in qaar ka mid ah hubka ay ka soo iibsatay dibada ay ka iibiso Xarakada Al-Shabaab.

Warbixinta ayaa xustay xubin ku heyb ah Madaxweynaha oo si qarsoodi ah hubka ugu iibin jiray Sarkaal ka tirsan Shabaab oo lagu magacaabo Yuusuf Sheekh Ciise (Kaba-kudukade) oo ay warbixinta sheegtay inuu ku heyb ahaa sarkaalka.

Gudiga ayaa soo jeediyay in Golaha ammaanka uu cunaqabateynta hubka Soomaaliya saaran la sii adkeeyay, iyadoo sanadkii hore ay aheyd markii Qaramada Midoobey ay ka khafiifisay cunaqabateyntii hubka ee saarneyd Soomaaliya.

Taliyaha Ciidamada xooga dalka Soomaaliya Jen. Dahir Aadan Cilmi (Indha-Qarshe) ayaa beeniyay eedeyntaas, isagoo xusay in aanay jirin haba yaraatee hub si musuq maasuq looga iibiyay Al-Shabaab sida uu yiri.

Jen. Dahir Indha-Qarshe oo wareysi siiyay Idaacada VOA ayaa sheegay in gudiga daba galka cunaqabateynta hubka ay labo jeer soo booqdeen magaalada Muqdisho, isla markaana ay tuseen bakhaarada keydka hubka.

“Warbixintaas waa been abuur, gudiga daba galka cunaqabateynta hubka labo jeer ayay yimaadeen, waxaan geynay Bakhaarada hubka keydka dowladda, halkaas macluumaad ayay ka heleen, waana ku qanceen, sawiro waa ka qaateen”ayuu yiri Jen. Indha-Qarshe.

Sidoo kale Jen. Indha-Qarshe ayaa sheegay in tan iyo markii la qaaday cunaqabateynta hubka Soomaaliya sanadkii hore ay dowladda labo jeer hub soo iibsatay.

Warbixintan uu soo diyaariyay Gudiga daba galka cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea ayaa la filayaa in la horgeeyo Golaha Ammaanka, iyadoo warbixintan ay si aad ah u dhaawaceyso rajada dowladda Soomaaliya ka qabto in waqtiga loogu kordhiyo cunaqabateynta laga qafiifiyay dowladda Soomaaliya sanadkii hore.

Jowhar