Ankara: Dowladda Turkiga ayaa hoosta ka xariiqday in ay ka shaqeyneyso siinta yabooh toos oo ay siineyso dowladda Soomaaliya sanadkan 2014-ka, taasi oo meesha ka saaraysa warrar hore oo si qaldan loo turjuntay, kaasi oo quseeya mowqifkeeda.
Dowladda Turkiga ayaa caddeysay gar gaarka dhaqaale ee tooska ah ee ay siisay dowladda Soomaaliya kala bar sanadkii 203-ka, ayna ku wareejisay dhigooda si isla eg, iyadoo hoosta ka xariiqday inay ka shaqeyneyso, si yabooh kaa la mid ah ay sanadkan cusub u siiso dowladda.
“Si waafaqsan codsiga Madaxweynaha Soomaaliya ee ahaa bishii June ilaa December ee sanadkii tegay bilkasta taagero dhaqaale oo kaash ah, ayaa siineynay dowladda, si loo daboolo baahida deg degga ah ee dhaqaale ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, sidaasi waxaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Turkiga 16-ki bishan ka soo baxay.
Bayaanka ayaa lagu sheegay in wararka sida qaldan loo turjuntay uu ahaa mid si ku talagal ah loo sameeyay oo quseeyay kaalmada dowladda Turkiga ay siiso Soomaaliya.
Bayaaka ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibedda ee Turkiga ayaa markale lagu yiri “Maadaama aanu adeeg banki ka jirin Soomaaliya, taageerada dhaqaale waxaa loo dirayay Muqdisho, iyadoo loo marinayo Wakiil deeqdaasi ku wareejiya dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, waxaana deeqdaasi si toos ah u gudbin jirtay wakiilka safaaradda aan ku leenahay Muqdisho, iyadoo habraac sax ah la marayo si loo gaarsiiyo hay’adaha ay lacagtaasi quseyso.”
Hadalka Xukuumadda Ankara ayaa yimid kaddib warar sheegayay in Turkiga uu joojiyay dhaqaalihii tooska ahaa ee uu siinayay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mas’uul ka tirsan Wasaaradda arrimaha dibedda ee Turkiga ayaa Wakaaladda Wararka ee Reuter’s u sheegay in dhaqaalihii tooska ahaa ee bilkasta la siinayay dowladda la joojiyay dhamaadkii 2013-ka, balse taasi macnaheedu ma ahan in gebi ahaanba la joojiyay kaalmada dhaqaale.
“Lagama maar maanida macluumaadkan, iyadoo laga amba qaadayo taageerada dhaqaale ee la siiyo dowladda Soomaaliya, waxaa lala wadaagay beesha caalamka bilowgii howshan, sida xaqiiqdu ay tahay taageeradeena dhaqaale, waxa ay dhacday sida macluumaadka dhaqaale ee ay dowladda Soomaaliya daabacday” ayaa lagu yiri hadalka Wasaaradda.
Habraaceena isfahamka ee taageerada istaraatiijiyadeed ee Soomaaliya, dadaalkeena wuu socdaa oo ah in aan dhaqaale ku taageerno dowladda federaalka ah ee Soomaaliya sanadka 2014-ka sidoo kale, Wasaaradda ayaa tiri suurta gal ma ahan, waxa mas’uulka ka tirsan Wasaaradda uu Wakaaladda Reuters u sheegay.
Bayaanka Wasaaradda ayaa si cad uga jawaabayay niyad jabka Ankara, iyadoo arrintaasi ka muujisay murugo, dadaallada meel looga dhacayo waxyaabaha ay dowladda Turkiga qabatay ee ay u riyaaqeen bulshada Soomaaliyeed iyo beesha caalamka intaba, iyadoo loo maray wararkan ku tala galka ah ee aadka u xun.
Radio Muqdisho