Gen. Gaafoow oo ka warbixiyay sida uu u dhaqan galay nidaamka cusub ee qaadashada baasaboorka

0
1034

GaafowHoggaanka socdaalka iyo jinsiyadaha dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixyay sida uu u dhaqan galay mashruuca cusub ee qaadashada Baasaborka iyo kaararka aqoonsiga muwaadinimo ee dalka.

Generaal C/llaahi Gaafoow Maxamuud taliyaha hoggaanka socdaalka iyo jinsiyadaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta qaranka ayaa faah faahin ka bixiyay sida uu u hirgalay qaabka cusub ee loo qaadanayo Baasaboorka Soomaaliga ah iyo kaararka aqoonsiga muwaadinimo.

C/llaahi Gaafoow Maxamuud ayaa sharaxay sida uu u hirgalay isbedelka cusub oo ay dowladdu ku soo kordhisay qaabka loo qaadanayo Baasaboorka Soomaaliga ah, isagoo sheegay taliyaha hoggaanka socdaalka iyo jinsiyadaha in uu nidaamkaasi cusub u dhaqan galay sidii loogu talagay.

Nidaamka cusub ee qaadashada Baasaboorka iyo kaararka aqoonsiga muwaannimo ayaa wuxu kaalin weyn ka qaadan karaan howlaha sugidda amniga iyo soo celinta adeegyadi aas aasiga ahaa bulshada, waana nidaam muddo 20 sano ka badan dalka ka maqnaa.

Radio Muqdisho