Golaha Wasiirada oo caawa u socda kulan deg deg looga hadlayo ammaanka

0
986

GolahaWasiirada20140221_6Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa caawa kulan deg deg ah ku leh Madaxtooyada, iyadoo kulanka uu yahay mid albaabada u laaban, isla markaana wariyeyaasha ay dibad joog ka yihiin.

Kulankan oo looga hadlayo xaalada ammaan ee dalka ayaa waxaa ka qeyb galaya Wasiirka Amniga Qaranka iyo xubnaha Golaha Amniga, waxaana shir gudoominaya Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed oo maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho, kadib safaro uu dalalka deriska ku soo maray.

Wariyeyaasha banaanka xarunta lagu shirayo ku sugan ayaa soo sheegaya in kulankan deg dega ee caawa u socda Golaha Wasiirada uu ka duwan yahay kuwii hore, iyadoo wasiirada xilli habeen la isugu yeeray.

Kulankan ayaa imaanaya xilli maanta howl galo aan caadi aheyn ay ciidamada dowladda ka sameeyeen qeybo badan oo magaalada ka mid ah, iyagoo gaadiidka isticmaala wadada maka almukarama ay si taxadar ku jira u baarayeen, halka kuwo qaar ka celinayay wadada.

Shalay ayay aheyd markii weerar culus lagu qaaday Aqalka Madaxtooyada, markii rag hubeysan oo ka tirsan Shabaab ay gudaha u galeen, ka hor inta aan qarax xoogan lagu jebin albaabka dambe ee Madaxtooyada.