Gud. Tarsan: “Shirkadda Hormuud Shabaab ayaa ku khasbay inay joojiso Internet-ka”

0
954

Tarsan20130819_1Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa markii ugu horeysay faahfaahin ka bixiyay joojintii Internet-ka ee shirkadda Hormuud Telcom, wuxuuna Guddoomiye Tarsan si cad u sheegay in markii ay baareen arrintaasi ay ogaadeen in kooxda Al-Shabaab ay xoog ku joojisay adeegii Internetka ee ay shirkaddu bixineysay.

“Waxaan ogaanay markii aan baarnay sababta loo joojiyay adeega Internet-ka in kooxda Al-Shabaab ay hub u soo qaadatay ayna xoog ku joojisay” ayuu yiri Gudddoomiyaha gobolka Banaadir oo sheegay in iyaguna aanay culeys ku saari doonin shirkadda Hormuud inay dib u furto adeegeedii Internet-ka.

Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay tallaabo cad ka qaadeyso shirkadii u hoggaansanta awaamiirta Al-Shabaab, shirkadii fulisana ay shaqada ka joojinayaan.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa farriin u diray shacabka ku nool degaanada ay weli ku sugan yihiin maleeshiyada Al-Shabaab, wuxuuna isweydiiyay sababta dadkaasi ay uga dhinteen damiirkii iyo dadnimadii ay lahaayeen.

“Dadka degan goobaha ay joogaan kooxda argagixisada ah ee Shabaab maxaa ka qaaday damiirkii ay lahaayeen?, weligood ma gumeysi ayay ugu jirayaan koox argagixiso ah waxay awood u yeelan karaan inay hal maalin ku yaacaan” ayuu yiri Guddoomiye Tarsan.

Jowhar