Guddoomiye Tarsan oo ku baaqay in Degmooyinka Gobolka Banaadir laga sifeeyo Al Shabaab

0
956

TarzanGuddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Max’ud Axmed Nuur Tarsan ayaa Maamulada Degmooyinka Gobolka Banaadir waxa uu ka dalbaday in ay ka shaqeeyaan Xasiloonida degmooyinkooda.

Mudane Tarsan ayaa ku tar tarsiiyay in ay degmooyinka ka dhigaan kuwa ka caagan dagaalyahannada al Shabaab oo uu sheegay in qaar ka mid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir ay gabaad ka dhigtaan.

“waa in idinku iyo shacabka aad iskaashataan oo ay idin dhexmartaa wada shaqeyn “ ayuu yiri Mudane Tarsan.

Ugu dambeyn Duqa Muqdisho ayaa ku baaqay in Masuuliyad shacab iyo dowlad intaba la iska saaro ammaanka Caasimadda dalka ee Muqdisho.

Shabelle