Guddoomiye Waaxeed Maamulka Degmada Dharkeyleey ka tirsanaa oo Muqdisho lagu dilay

0
998

TargetingAssasinationWararka aan ka heleyno Degmada Dharkeynleey ee Gobolka Banadir ayaa ku soo warramaya in Nawaaxiga Suuqyaraha Degmadaasi Maanta Kooxo dableey ah ay ku dileen Guddoomiye waaxeed Maamulka Degmada Dharkeynleey ka tirsanaa.

Guddoomiyaha la dilay ayaa Magaciisa lagu sheegay Cumar Bashiir kaas oo aan la faah faahin waaxd uu guddoomiyaha ka ahaa.

Kooxihii dilka Guddoomiye waaxeedkaan geystay ayaa meesha isaga baxsaday iyadoo kadib dilka ay goobta gaareen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya oo howl gallo halkaasi ka wada.

Ma jiro wax war ah illaa iyo iminka ka soo baxay Saraakiisha Maamulka Degmada Dharkeynleey oo ku aadan dilka Guddoomiye Waaxeedkaasi.

Shabelle