Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo duqa Muqdisho oo loo magacaabay Xasan Maxamed Xuseen (Mungaab)

0
1413

Muungaab20140227War deg deg ah oo goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya in Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho loo magacaabay Saareeye Guuto Xasan Maxamed Xuseen Mungaab, kaasoo maalmahan la hadalayay in xilkaas loo magacaabayo.

Wareegtada ka soo baxday Madaxweynaha ayaa waxaa xilka looga qaaday Maxamuud Axmed Tarsan oo xilka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo duqa Muqdisho hayay tan iyo bartamihii sanadkii 2010, waana Gudoomiyaha ugu waqtiga dheeraa.

Sidoo kale wareegtada ayaa waxaa lagu faray Talisyada Booliska iyo Nabadsugida Gobolka Banaadir inay si toos ah ula shaqeeyaan Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Mungaab).

Ilo wareedyo muhiim ah oo ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha ayaa u xaqiijiyay Jowhar.com in magacaabista Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ay tahay mid rasmi ah oo wareegto goor dhow soo baxday lagu shaacin doono.

Jen. Xasan Maxamed Xuseen ayaa horay u ahaa Gudoomiyihii Maxkamada ciidamada qalabka sida, waxaana xilkan la sheegay inay kula tartamayeen xubno kale duwan oo ka soo jeeday Beesha Mudullood.

Mr Tarsan ayaa ahaa Gudoomiyaha ugu waxqabadka wanaagsanaa ee soo mara Muqdisho, iyadoo lagu xusuusan doono wixii uu ka qabtay magaalada, sida bilicda magaalada, nadaafada iyo kicinta bulshada, waxaa uu ahaa nin cod kar ah oo aan la ganban afkaartiisa.

Magacaabista Mungaab ayaa soo afjareysa warar iyo hadal heyn badan oo muddo soo jiitamayay, kaasoo ahaa in loo magacaabi doono xilka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho.

Dhinaca kale Wareegto ka soo baxday Madaxweynaha ayaa waxaa xilka Gudoomiyaha Bankiga Dhexe Bashiir Ciise loogu kordhiyay muddo labo bilood, isagoo si KMG ah u hayay xilkaas, sidoo kale waxaa la magacaabay Xisaabiyaha Guud iyo Hanti-dhowrka Qaranka.

 

Jowhar.com

***********************

Tariikh Nololeedka Oo Kooban

Jeneraal Xasan Maxamed Xuseen Muungaab wuxuu Dhashay Sanadkii 1972 wuxuna ku dhashay Tuulada Muungaab Dagmeda War-Sheekh Ee Gobalka Shabeelaha Dhexe.

Dhinaca Waxbarshada

Darasaadka shareecada iyo Qaanuunka, Sidoo Kale Jeneraal Xasan Maxamed Xuseen, Wuxa uu Hadda Diyaarinayaa Master Degree Shareecada iyo Qaanuunka Ee Jaamacadda Um Durmaan Al Islaamiya khartuum Sudaan.

Sanadkii 2002 wuxuu ka qalin Jabiyay Jaamacadda Afrika Ee Caalamiga ah Gaar ahaan Kuliyadda Shareecada iyo Daraasaadka Islaamka, Isagoo Ka qaatay Darajada batch.

Dhinaca Khibradaha Shaqo

2001 -2002 Gudoomiyaha Ururka Dhalinyarada Soomaliyeed Ee Suudaan.

2005- 2007 Bare Dugsiga Sare Jubba Ee Magalada Muqdisho.

2008 – 2009 Mustashaar safaradda Soomaaliyeed Ee Suudaan.

02/03/2010 ilaa 15/08/2010 Wuxuu ki biiray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed Waxaana lagu qaatay Darajada Gaashaanle Dhexe, islamrkaana waxaa loo magacaabay Garsoore Ka Tirsan Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida..

16/08/2010 ilaa 16/08/2012 Waxaa loo magacaabay Guddomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida Ee Soomaaliyeed.

17/08/2012 ilaa 25/02/2014 Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Maanta oo ay Taarkiikhdu tahay 27 bisha Febraayo ee sanadka 2014-ka waxaa loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho.

Radio Muqdisho