Gudoomiyeyaasha Baarlamaannada Soomaaliya Iyo Sudan Oo Heshiis Iskaashi Ku Kala Saxiixday Magaalada Tehran

0
840

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo wafdi uu hogaaminayo ay socdaal shaqo ku joogaan dalka Iran ayaa heshiis iskaashi kula saxiixday magaalada Tehran dhigiisa Dalka Sudan Dr Al-Faatix Cizadiin Mansoor.

Saxiixa heshiiskan ayaa dhacay dhamaadka shirweynaha 9-aad ee Baarlamaannada dalalka Iskaashiga Islaamka oo lagu soo gebagebeeyey magaalada Tehran waxaana labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Sudan heshiiskan iskaashi iyo wadashaqeynta ku dhisan u kala saxiixay Gudoomiyeyaasha labada Baarlamaan.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ka hadlay kulanka heshiiska kadib ayaa tilmaamay in Baarlamaanka Soomaaliya uu aad ugu faraxsanyahay heshiiska iskaashi iyo wadashaqeyn ee ay hada la saxiixdeen walaalahooda Sudan waxaana uu ballan qaaday in dhanka Baarlamaanka Soomaaliya uu heshiiskan ka hirgeli doono.

Gudoomiyaha Baarlamaanka dalka Sudan Dr Al-Faatix Cizadiin Mansoor oo isna dhankiisa heshiiskaasi ka hadlay ayaa ugu horeyn tilmaamay in Sudan ahaan ay aad ugu faraxsanyihiin iney iskaashi wadashaqeyn heshiis ku saabsan ay la saxiixdaan walaalahooda Soomaaliyeed waxaana uu isna dhankiisa ballan qaaday in heshiiskan ay ka go’antahay hirgelintiisa Baarlamaanka dalka Sudan.

Heshiiskan iskaashiga iyo wadashaqeynta ah ee ay kala saxiixdeen Gudoomiyeyaasha Baarlamaannada Soomaaliya iyo Sudan ayaa waxa uu dhigayaa in labada Baarlamaan ay sameeyaan qibrad is weeydaarsi toos ah iyo iney Sudan bixiso tababarro dhanka shaqaalaha Golaha Shacabka ah iyo farsamooyin qibrad isdhaafsi ah oo labada Baarlamaan dhexmari doona.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah guullaha uu ku talaabsanayo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudooyinkii ugu dambeeyey,ayadoo heshiiskan uu sidoo kale ka mid noqonayo heshiisyada uu Golaha Shacabka Soomaaliya la saxiixday Baarlamaannada dhigiisa ah ee heer gobol iyo kuwa caalamiga ahba.

****************
Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Tehran Kulammo Gaar Gaar Ah Kula Qaatay Gudoomiyeyaasha Baarlamaannada Sudan, Bahrain,Turkey, iyo Syria

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo wafdi uu hogaaminayo ay socdaal shaqo ku joogaan dalka Iran ayaa maanta magaalada Tehran kulammo gaar gaar ah kula qaatay Gudoomiyeyaasha Baarlamaannada qaar ka mid ah dalalka Islaamka ee xabnaha ka ah ururka iskaashiga islaamka ee OIC.

Kulankii ugu horeeyey waxa uu Gudoomiyaha Baarlamaanka la qaatay dhigiisa dalka Sudan Dr Al-Faatix Cizadiin Mansoor,kulankii ku xigayna waxa uu la qaatay Gudoomiyaha Baarlamaanka Bahrain Khalifa Bin Ahmed, Kulanka Sedexaadna Gudoomiyaha Baarlamaanka Turkey Cemil Cicek,kulamadii xigayna waxa uu waqtiyo isku dhow isla maanta kula qaatay magaalada Tehran Gudoomiyeyaasha Baarlamaannada Imaaraadka,Afghanistan iyo Syria.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa gudoomiyeyaasha Baarlamaannada uu la kulmay waxa uu uga warbixiyey hormarrada guud ee ka jira Soomaaliya, gaar ahaanna hormarrada uu ku tallaabsaday Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,sidoo kalena waxa uu Gudoomiye Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari u sheegay Gudoomiyeyaasha uu la kulmay sida uu Golaha Shacabka Soomaaliya ugu diyaarsan yahay iskaashi iyo wadashaqeyn uu la sameeyo dhammaanba Baarlamaannada Caalamka.

Gudoomiyeyaasha Baarlamaannada dalalka uu la kulmay Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa iyaguna si isku mid ah waxa ay u ammaaneen hormarka uu ku tallaabsaday Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaana ay dhankooda ballan qaadeen iney wadashaqeyn iyo iskaashi joogtaah la sameyn doonaan Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Jawaari20140220_4 Jawaari20140220_3 Jawaari20140220_2 Jawaari20140220_1 Jawaari20140220_7 Jawaari20140220_6 Jawaari20140220_5Jawaari20140220_5