Deeqdan timirta ah oo maanta loo qeybaiyaay ku dhawaad 2 kun oo caruur agoon ah oo isgujirta wiilaal iyo gabdho ayaa bixisay hay’ada bisha cas ee imaaraadka carabta xafiiskeeda Muqdisho waxaana mas’uuliyiintu ay sheegeen in ay ugu talagaleen caruurtaasi si ay nafaqo ugu noqoto.
Carurtan oo ku nool xarunta xanaannada caruurta agoonta ah ee banaadir oo ku taala degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho ayaa isugu jira caruur agoon ah iyo kuwo kale oo ka dhashay qoysaska danyerta ah.
Mas’uuliyiinta hay’ada bisha cas ayaa markii ay halkaasi tageen waxaa ay lakulmeen maamulka xaruuntaasi ayagoo u kuurgalay xaaladda nololeed ee agoontaasi iyo qabaabka ay wax ku bartaan.
Maxamed Cismaan Axmed Agaasimaha xaruunta xanaannada caruurta agoonta ah ee banaadir oo goobtaasi ka hadlaya ayaa ka warbixyay nolosha caruurtaasi isagoo xusay iney dadaal badan ku bixiyeen daryeelka caruurtaasi iyo waxbarashadoodaba.
Intaasi kadib ayaa waxaa goobta ka hadlay Cabdul xamiid Suleymaan oo ah madaxa mashaaricda hay’adda bsiha cas ee imaaradka carabta u qaabilsabn Somaliya waxaana uu sheegey in ay ugu talagaleen nafaqeynta caruurtaasi wuxuuna intaasi ku daray in ay sii wadi doonaan gurmadka ay siinayaan dadka Soomaliyeed, sidoo kale Cabdul xamiid Suleymaan waxaa uu intaasi ku daray in ay wadaan qorshayaal ay xarumo waxabarasho lacag la’aan ah ah uga sameynayaan gobollada dalka.
Radio Muqdisho