Wararka saaka laga helayo magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose ayaa sheegaya inay soconayaan howlgallo amniga lagu xaqiinayo oo ka soconaya magaladaasi.
Ciidamada maamulka Jubba State ayaa wada howlgallada waxaana lagu soo warramayaa in dad lagu soo qab-qabtay.
Howlgallada oo xooggooda xalay magaalada laga fuliyay xaafado kamid ah Kismaayo oo maalmihii dambe ay ka dhacayeen dilal iyo qaraxyo magaaladaasi ku soo laab-laabtay.
Ciidamada maamulka Jubba ayaa xbsiga u taxaabay sida la sheegay tiro dhalinyaro ah oo looga shakisan yahay falalka amni darro.
Magaalada Kismaayo waxaa caadiyan ka noqday maalmihii la soo dhaafay falal ammaanka magaaada liddi ku ah oo saraakiishu ilaa hadda aysan cadeyn cidda ka dambeysa.
Warkii