Sawirka Gudoomiye Jawaari ee Tacsida Ra’isulwasaare c.risaaq xaajiKu simaha Madaxweynaha Dalka ahna Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ka tacsiyadeeyey geerida ku timid Allaha u naxariistee Marxuum C/risaaq Xaaji Xuseen oo ahaa Ra’isulwasaarihii Labaad ee Dalkeenna.
Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa yiri “INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN, waxaa isoo gaaray war ku saabsan inuu geeriyooday Mudane C/risaaq Xaaji Xuseen Ra’isulwasaarihii hore ee Jamhuuriyadda Soomaaliya inuu dalka Mareykanka xalay ku geeriyooday,raxmadii jano Alle hasiiyo, anagana samir iyo iimaan Alle hanaga wada siiyo dhammaan shacbiga Soomaaliyeed waan uga tacsiyadeeynayaa”
Ku simaha Madaxweynaha Dalka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa si kooban uga waramay Taariikhda Allaha u naxariistee Ra’isulwasaare C/risaaq Xaaji Xuseen waxaana uu yiri “ taariikhda marxuum C/risaaq Xaaji Xuseen cid Soomaali ah oo aanay ogeyn ma jirto waxa uu leeyahay taariikh weyn,waxa uu kaalin mug leh ku lahaa halgankii gobonimodoonka Umadda Soomaaliyeed iyo dhismaha dowladnimada,taariikhdiisana waxey tusaale u tahay guud ahaan Umadda Soomaaliyeed gaar ahaanna dhalinyarada,xitaa markii ay dowladdii dhexe bur burtay waxa uu isku dayey in mar walba ay xal dowladnimo hesho”
Isago hadalkiisa sii wata Ku Simaha Madaxweynaha Dalka ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa xusay in gudi ka kooban labada Gole ee Dowladda oo ay kala hormuud u yihiin Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Golaha Shacabka Mudane Jeeylaani Nuur Iikar iyo Ra’isulwasaare ku xigeen ahna Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Mudane Ridwaan Xirsi Maxamed u xil saaray Aaska Qaran ee Ra’isulwasaare C/risaaq Xaaji Xuseen,shacabka Soomaaliyeedna waan usoo sheegi doonnaa halka uu ka dhacayo iyo waqtiga la aasi doono.
“Ugu dambeyntii anigoo ku hadlaya Magaceyga,Magaca Gudoonka Baarlamaanka,Magaca Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Magaca Xukuumadda iyo magaca Xildhibaannada Golaha Shacabka waxaan halkaan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa guud ahaan shacbiga Soomaaliyeed oo aan leeyahay Alle samir iyo Iimaan hanaga wada siiyo,Janadii Fardowsana Alle haka waraabiyo.
INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN