Taliyaha qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ee gobollada Baay, Bakool iyo Gedo, jeneraal Ibraahim Yarow ayaa sheegay in la kordhiyay howlgallada ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab ee ka socda gobollada Baay iyo Bakool.
Taliyaha oo shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhabo ayaa sheegay in ay arrintan ka dambaysay kaddib markii madaxweynaha Soomaaliya uu amar ku bixiyay in la ballaariyo howlgallada lagula dagaallamayo Al-Shabaabka.
Jeneraal Ibraahim Yarow ayaa tilmaamay in uu amar ku siinayo ciidamada qeybta 60-aad in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ugu xaroodaan xarumaha taliska.
Hadalka taliyaha ayaa ku soo beegmaya xilli uu shalay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud sheegay in maalmaha soo socda ay dowladdu qaadayso tallaabooyin hor leh oo ay wax uga qabanayso ammaanka.
Bar-kulan