Labada gobol ee Sh/dhexe iyo Sh/hoose oo isku raacay inay samaystaan maamul goboleed

0
1030

Kulan loogaga hadlayay sidii ay u samaysan lahaayeen maamul goboleed labada gobol ee Sh/dhexe iyo Sh/hoose ayaa shalay lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Shirkan ayaa waxaa ka soo qeybgalay inkabadan labo boqol oo ruux oo ay ka mid ahaayeen guddoomiyaasha labada gobol ee Sh/dhexe iyo Sh/hoose Cabdi Jiinow Calasow iyo C/qaadir Nuur Siidi, oday dhaqameedyo, salaadiin, culumaa’udiin, waxgarad,haween,siyaasiyiin, aqoonyahano iyo xildhibaano ka soo jeeda labada gobol.

Kulankan oo ka dhacay Hotel City Palace ayaa waxaa dood iyo falanqeyn dheer kadib la isku raacay in la dhiso guddi farsamo oo soo diyaariya dastuurkii lagu dhaqi lahaa maamul goboleedka, soo xulista ergooyinka ka qeybgalaya shirweynaha maamul u sameynta labada gobol. Sidoo kale kulankan ayaa la isku raacay in labada gobol ay ka iman doonaan min afar boqol oo ergo oo ka qeybgala labo kulan oo ka kala dhici doono magaalooyinka Balcad iyo Afgooye.

Kulankan maamul u samaynta labada gobol ee Shabeelooyinka ayaa ahaa mid jawi wanaagsan ku dhacay isla markaana uusan ka muuqan khilaaf iyo kala fikrad duwanaansho ku aadan dhismaha maamul u samaynta labada Shabelle.

Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka ee ka soo jeeda labada gobol ayaa taageeray maamul u samaynta labada gobol iyagoo ku tilmaamay mid dastuurka dalka waafaqsan isla markaana horumar u keeni kara bulshada labada gobol ku nool.

Labada gobol ee Sh/dhexe iyo Sh/hoose ayaa haddii uu hirgelo maamul goboleedkan noqonaya midka ugu dhaqaale badan maadaama labada gobol ay caan ku yihiin dhul beereed isla markaana ay leeyihiin xeeb iyo xoolo nool.

Jowhar

KulanShHooseIyoShDhexe20140204_3 KulanShHooseIyoShDhexe20140204_2 KulanShHooseIyoShDhexe20140204_1